“Dhabar-jab ku yimid Chelsea: Pedro Neto oo la ganaaxay, seegaya kulanka Newcastle”

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) ayaa si rasmi ah u shaaciyay in garabka kooxda Chelsea, Pedro Neto, lagu daray ganaax hal kulan ah iyo lacag dhan £70,000, ka dib markii lagu helay hab-dhaqan aan wanaagsanayn.

Ganaaxan ayaa salka ku haya dhacdadii kulankii Arsenal ee dhacay 1-dii March, halkaas oo Neto loo taagay kaarka casaanka. FA-ga ayaa sheegay in ciyaaryahanku uu ku fashilmay inuu si degdeg ah uga baxo garoonka, sidoo kale wuxuu adeegsaday ereyo aflagaado ah oo uu kula kacay garsooraha ciyaarta.

Neto ayaa durba qirtay eedeymaha loo soo jeediyay, taas oo keentay in guddiga anshaxa ee FA-gu ay soo saaraan xukunkan kama dambaysta ah. Sidaas darteed, Pedro Neto ayaa seegi doona kulanka muhiimka ah ee Newcastle United ay berri ku martigelinayaan garoonka Stamford Bridge.

Ganaaxan ayaa dhabar-jab weyn ku ah Chelsea, iyadoo la ogyahay in Neto uu horey u soo qaatay hal kulan oo ganaax ah oo uu ku seegay ciyaartii Aston Villa ka dib markii uu qaatay laba kaar oo jaale ah. Maamulaha kooxda iyo taageerayaasha ayaa hadda wajahaya dhibaato dhanka weerarka ah maaddaama laacibka ugu muhiimsan ee garabka uu markale maqnaanayo.

Views: 2