Enzo Maresca oo Fariin Adag Diray: “Manchester City Ma Mari Doonto Waddadii Manchester United”

Enzo Maresca ayaa shirkiisii jaraa’id kaga hadlay qorshaha Manchester City, mustaqbalka Rodri, Jack Grealish, James Trafford, 115-ka dacwadood iyo beddelka Pep Guardiola hoos ka aqriso warkaas oo dhamestiran.

Tababaraha cusub ee Manchester City, Enzo Maresca, ayaa shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyay kaga hadlay arrimo badan oo quseeya kooxda, isagoo si kalsooni leh uga jawaabay su’aalihii ku saabsanaa mustaqbalka kooxda, ciyaartoyda muhiimka ah iyo qorshaha uu ku hoggaamin doono kooxda.

Maresca ayaa sheegay in Manchester City aysan geli doonin jahwareer ama hoos u dhac la mid ah kii ku dhacay Manchester United markii uu kooxda ka tegay Sir Alex Ferguson.

“17-kii sano ee la soo dhaafay kooxdan waxay yeelatay saddex tababare oo keliya. Taasi ma aha wax caadi ah kubadda cagta.”

Wuxuu intaas ku daray in mashruuca uu dhisay Pep Guardiola uu sii socon doono, isla markaana uu isagu diyaar u yahay inuu halkaas ka sii wado.

“Pep Waa Tababaraha Ugu Wanaagsan Dunida”

“Sharaf weyn ayay ii tahay in Manchester City ay i dooratay. inan badalo Pep Guardiola, waxaana u arkaa tababaraha ugu wanaagsan dunida 20 ilaa 25-kii sano ee la soo dhaafay inuu yahay.”

Tababaruhu wuxuu sheegay inuu doonayo inuu sii ilaaliyo falsafaddii guusha ee kooxda.

Rodri iyo Wararka Real Madrid

Maresca ayaa sidoo kale ka jawaabay wararka xiriirinaya Rodri iyo Real Madrid, isagoo sheegay inuusan ka walwalin.

“Marka ciyaaryahan weyn laga hadlayo mar walba waxaa jiri doona warar. Rodri waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, tababare kastana wuu jeclaan lahaa inuu haysto.”

Waxa uu xaqiijiyay in Rodri uu Isniinta mari doono qalliin dhabarka ah, kadibna uu geli doono marxalad nasasho iyo soo kabasho, ka hor inta uusan kooxda dib ugu soo laaban.

Jack Grealish Weli Waa Ciyaaryahan City Ah

Mustaqbalka Jack Grealish ayaa sidoo kale su’aalo badan dhaliyay, balse Maresca wuxuu cadeeyay in ciyaaryahanku weli qayb ka yahay kooxda.

“Waqtigan xaadirka ah halkan ayuu joogaa. Waa ciyaaryahan Manchester City ah, waana waajibkeyga inaan tababaro.”

Wuxuu sidoo kale ku ammaanay shakhsiyadda Grealish.

“Xiriir wanaagsan ayaan la leeyahay isaga, waa nin aad u wanaagsan.”

James Trafford iyo Suuqa Kala Iibsiga

Macallinka City ayaa ka hadlay goolhayaha da’da yar ee James Trafford, isagoo sheegay inuu si fiican u yaqaan maadaama uu horay u soo tababaray.

“James si fiican ayaan u aqaan. Waa mid ka mid ah goolhayayaashayada, laakiin inta suuqa kala iibsigu furan yahay wax walba way dhici karaan.”

Arrintan ayaa sii hurisay wararka la xiriirinaya mustaqbalkiisa.

115-ka Dacwadood? “Waxba Kama Walaacsani”

Enzo Maresca ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymaha 115-ka ah ee Manchester City.

“Saddex sano kahor isla hadalladan ayaa jiray, haddana waxba ma dhicin. Shaqsi ahaan wax walaac ah kama qabo arrintan.”

Tababaruhu wuxuu muujiyay kalsooni buuxda oo ku aaddan kooxda.

Suuqa Kala Iibsiga Weli Wuu Socdaa

Maresca wuxuu sheegay in maamulka kooxda ay wali ka shaqeynayaan xoojinta kooxda.

“Waxyaabo badan ayaa si wanaagsan u socda, sidoo kale waxaa jira arrimo u baahan xal. Weli waxaan ku jirnaa suuqa kala iibsiga.”

Taas ayaa muujinaysa in Manchester City ay wali suurtagal tahay inay samayso saxiixyo cusub kahor xiritaanka suuqa.

“Waxaan Dareemayaa Inaan Gurigeygii Joogo”

Ugu dambeyn, Maresca wuxuu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay noloshiisa cusub ee Etihad Stadium.

“Waxaan dareemayaa inaan gurigeygii joogo. Dareenka aan helay tan iyo maalintii ugu horreysay wuxuu ahaa mid cajiib ah, aad ayaan ugu faraxsanahay.”

Hadalladiisa ayaa muujinaya kalsoonida iyo hamiga uu u qabo inuu sii wado guulihii waaweynaa ee Manchester City.

Views: 0

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.