Jamie Carragher oo Man United kula taliyay inay magacowdo Unai Emery
Halyeyga kooxda Liverpool, haddana ah falanqeeye caan ah, Jamie Carragher, ayaa aaminsan in Manchester United ay iska indha-tireyso macalin ku habboon hoggaanka kooxdaas, kaas oo ah tababaraha Aston Villa, Unai Emery.
Carragher oo qormo ku qoray jariiradda Telegraph, ayaa su’aal ka keenay sababta uusan Emery ugu jirin safka hore ee liiska macallimiinta ay United doonayso. Waxa uu ku sifeeyay Emery inuu yahay “guuleyste” haysta khibrad ballaaran.
Carragher ayaa yiri:
“Unai Emery koobab ayuu ku guuleystaa, kubad fiican ayuu ciyaarsiiyaa kooxdiisa, wuxuuna khibrad weyn u leeyahay Premier League. Haddaba, maxay tahay sababta uusan ugu jirin liiska koowaad ee Manchester United ay macallinka ku raadinayso?”
Waxa uu intaas ku daray in Emery uu yahay macalin leh aragti fog oo dhinaca kubadda cagta ah, isla markaana leh khibrad uu dib ugu dhisayo kooxaha u baahan isbeddelka si ay ugu soo laabtaan tartanka Champions League.
Carragher wuxuu rumeysan yahay in Emery uu yahay hoggaamiye leh awood iyo ixtiraam, taas oo ah waxa ay hadda u baahan tahay kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford si ay dib ugu hesho sharaftii ay ku lahayd fagaarayaasha kubadda cagta.
Views: 0
