PSG ayaa heshiis la gaartay daafaca bidix ee Aston Villa iyo xulka France, Lucas Digne.

Sida uu shaaciyay wariyaha caanka ah ee suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, Paris Saint-Germain ayaa dhammeystirtay heshiiska shaqsiga ah ee Lucas Digne, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen dhammaan qodobada qandaraaska.

Aston Villa ayaa la ogeysiiyay in heshiiska la dhaqaajin doono marka uu dhammaado Koobka Adduunka, iyadoo kooxda reer England ay durba billowday raadinta daafac cusub oo booskiisa buuxiya.

Lucas Digne wuxuu Premier League kuso qaatay Waqtiyo Aad u wanaagsan, isagoo caan ku ah karoosyadiisa saxda ah, khibraddiisa difaac iyo weerarba, iyo awoodda uu ugu biiro weerarka marka kooxda u baahan tahay. PSG waxay rumeysan tahay in khibraddiisa iyo tayadiisu ay si weyn u xoojin doonaan garabka bidix ee kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Qiimaha ka yar €10 milyan ayaa loo arkaa mid aad u jaban marka loo eego khibradda iyo tayada uu leeyahay Digne, taasoo ka dhigeysa saxiixan mid faa’iido weyn u noqon kara kooxda reer Paris iyado Mararkaqaar lagu Nasin karo Nuno Mendes.

Hadda indhaha taageerayaasha PSG waxay ku jeedaan sida Lucas Digne sida uu ula qabsan doono kooxda iyo haddii uu noqon karo mid si joogto ah uga dhex muuqda safka koowaad in kasto MIdaas ay tahay riyo Maadama Kooxda uu Joogo Number 3 ugu Wanaagsan waqti Xaadirkan Kubada Cagta .

Adiguna sidee u qiimeynaysaa saxiixan? Miyaad siin lahayd 1 ilaa 10?

Views: 3

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.