Tottenham oo u dhaqaaqday Roberto De Zerbi – ma noqon doonaa macalinka cusub?
Kooxda Tottenham Hotspur ayaa si dhab ah u dardargelisay Maalmihi lasoo dhaafay dadaalkeeda ay ku doonayso inay ku hesho macalinka reer Talyaani ee Roberto De Zerbi, iyadoo la sheegay inay u bandhigtay heshiis muddo dheer ah oo gaaraya ilaa sanadka 2031. Tani waxay muujinaysaa sida ay Spurs uga go’an tahay inay dhisto mashruuc cusub oo joogto ah kadib xilli ciyaareed Jahwareer oo ay gashay Kooda.
De Zerbi, oo sumcad weyn ka sameeyay qaab ciyaareedkiisa weerarka ku dhisan, ayaa horey u muujiyay inuu doorbidayo inuu sugo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka ka hor inta uusan qaadan go’aan rasmi ah. Si kastaba, Tottenham ayaa isku dayaysa inay ka dhaadhiciso qorshe cad, iyadoo u diyaarisay heshiis 5 sano ah oo ay ku jirto mushahar sare oo ka dhigaya mid ka mid ah macalimiinta ugu mushaarka badan Premier League.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka Spurs aysan rabin inay lumiyaan fursaddan, waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan wax kasta oo suurtagal ah si ay u helaan saxiixa De Zerbi. Qaabka uu u dhiso kooxaha, gaar ahaan kubad haynta iyo weerarka degdegga ah, ayaa si weyn ula jaan qaadi kara ciyaartoyda Tottenham.
Dhanka kale, suurtagalnimada kale ee miiska saaran ayaa ah in kooxda si ku meel gaar ah ugu dhiibto tababarka macalin Kale oo KOoxda sii Hogaamin kara inta ka dhiman Xili ciyaaredka waa haddii De Zerbi uu go’aansado inuu sugo. Tani waxay siin kartaa Spurs waqti ay ku dhameystiraan wada-xaajoodyada isla markaana ay u diyaariyaan isbeddelka mustaqbalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale jira fursad ah in De Zerbi lagu qanciyo inuu si toos ah ula wareego kooxda xilli ciyaareedka cusub ama xitaa kahor, haddii heshiiska la dhameeyo si degdeg ah. Go’aanka kama dambaysta ah wuxuu noqon doonaa mid saameyn weyn ku yeesha jihada Tottenham ee sanadaha soo socda.
Haddii heshiiskan la xaqiijiyo, Spurs waxay heli doonaan macalin leh aragti casri ah iyo falsafad kubadeed oo soo jiidasho leh – taas oo taageerayaasha siin karta rajo cusub.
Roberto De Zerbi explains his build-up tactics
Views: 5
