“West Ham vs Manchester City: Guardiola Ma Dhigan Doonaa Xiddigihiisa Kahor Kulanka Real Madrid?”
Kulankan caawa waa kulan xiiso badan oo ka tirsan Premier League oo dhexmaraya West Ham United iyo Manchester City. Ciyaartu waxay ka dhici doontaa London Stadium. ⚽🔥
Falanqeynta Kulanka Caawa
Xaaladda Labada Koox
Manchester City
- Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola waxay ku jirtaa dagaal adag oo horyaalka ah.
- City badanaa kubad heyn badan ayay sameeyaan (possession) iyo cadaadis sare Balse sanadkan wee ku liitaan Midaas.
- Statistikada kulamadii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in City ay badisay kulamadii ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen West Ham.
West Ham United
- Kooxda London ka dhisan waxay ku fiican tahay counter-attack iyo kubadaha dhaadheer.
- Tababaraha west Ham wuxuu inta badan adeegsadaa nidaam difaac adag + weerar degdeg ah.
Su’aasha weyn: City ma dhigan doontaa ciyaartoy?
City waxay Talaadada ciyaari doontaa kulan UEFA Champions League ah oo ay la leeyihiin Real Madrid.
Sababtaas awgeed waxaa suuragal ah:
- In la nasto ciyaartoy muhiim ah sida
- Erling Haaland
- Rodri
- Doku
- Ama ugu yaraan qaar ka mid ah lagu bilaabo kursiga keydka.
Laakiin Guardiola mararka qaar rotation yar ayuu sameeyaa sababtoo ah horyaalka sidoo kale waa muhiim.
Saadaasha Kulanka
- City ayaa weli ah kooxda fursadda badan.
- Laakiin haddii ay ciyaartoy badan nastaan, kulanku wuu adkaan karaa.
📊 Saadaasha natiijada:
West Ham 1 – 2 Manchester City
Views: 0
