Liverpool Oo Gaartay Kaalinta 4-aad Kadib Guul Muhiim Ah Oo Ay Ka Gaartay Palace
Kooxda Liverpool ayaa sii waday qaab ciyaareedkooda cajiibka ah kadib markii ay 3-1 kaga adkaadeen Crystal Palace, guul muhiim ahna u noqotay tartanka Premier League. Natiijadan ayaa Reds ka caawisay inay si rasmi ah u gaaraan kaalinta 4-aad, iyagoo muujinaya in ay dib ugu soo laabteen loolanka sare.
Kulanka ayaa ahaa mid adag, balse kooxda uu hogaamiyo Arne Slot ayaa si xeeladaysan u maareysay ciyaarta. Slot wuxuu adeegsaday nidaam isku dhaf ah oo ah midblock difaac adag iyo high line weerar degdeg ah, taasoo si weyn u xannibtay dhaq-dhaqaaqii Palace.

Dhinaca kale, ciyaarta waxaa ka dhacay markii Kubad dheer uu Bananka kasoo Cantuugay Daniel Muñoz Kana dhaliyaya Reds ayuu goolhayaha Liverpool dhaaac Beena sheegtay, iyadoo la tuhunsanaa inuu dhaawac iska dhigay. Si kastaba ha ahaatee, arrintaas wax saameyn ah kuma yeelan natiijada ugu dambeysa.
Geerida ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasad leh, iyadoo xiddiga reer Jarmal Florian Wirtz uu si qurux badan u dhaliyay goolkii saddexaad daqiiqaddii 90-aad, taasoo si rasmi ah u xaqiijisay guusha Liverpool. Wirtz ayaa noqday geesiga kulanka, isagoo mar kale muujiyay tayadiisa sare Xili Labnada Goal hore ee kala Dhaliyen Iskag iyo Robertson.

Guushan ayaa ka dhigeysa Liverpool koox si dhab ah ugu tartamaysa boosaska Champions League, iyadoo ay sidoo kale gaareen saddex guul oo xiriir ah horyaalka—taasoo sare u qaaday kalsoonida kooxda iyo taageerayaashooda.
Views: 0
