Chelsea oo xoojinaysa daafaca – Maxence Lacroix iyo John Stones oo liiska ku jira.
Chelsea ayaa dardargelineysa qorshaheeda xoojinta daafaca, iyadoo wada-hadallo la bilowday Crystal Palace si ay ula soo saxiixato daafaca reer France Maxence Lacroix.
Wararka ayaa sheegaya in milkiile wadaagga Chelsea, Behdad Eghbali, uu magaalada New York kula kulmay guddoomiyaha Crystal Palace, Steve Parish, halkaas oo uu ku gudbiyay dalab gaaraya £55 milyan. Si kastaba ha ahaatee, Crystal Palace ayaa la sheegay inay ku qiimeyneyso Lacroix ugu yaraan £60 milyan.
Waxaa la rumeysan yahay in Xabi Alonso uu si shaqsi ah u taageerayo heshiiskan, maadaama uu u arko Lacroix daafac ku habboon qaabka ciyaarta uu doonayo inuu ka hirgeliyo Stamford Bridge.
Dhanka kale, wararka la xiriira John Stones ayaa si weyn u soo kordhaya tan iyo Asbuucan, iyadoo magaciisa si joogto ah loola xiriirinayo Chelsea. Haddii uu heshiiskaasi rumoobo, su’aasha ugu weyn waxay noqon doontaa: Stones ma noqon doonaa dooqa koowaad ee Xabi Alonso isagoo garab ka ciyaaraya Levi Colwill, mise waxaa loo keeni doonaa inuu kooxda ku kordhiyo qibrad iyo tartan adag oo boosaska ah? Khibraddiisa, deganaanshihiisa kubadda iyo fahamka ciyaarta ayaa ka dhigi kara saxiix muhiim u ah Blues.
Dhanka kale, Chelsea ayaa qorsheyneysa inay fasaxdo dhowr ciyaaryahan oo aan ku jirin qorshaha tababaraha cusub. Inkastoo magacyadooda aan weli la shaacin, waxaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay arrimahaas si rasmi ah u caddaadaan.
Haddii Chelsea ay ku guuleysato saxiixa Maxence Lacroix, waxay heli doontaa daafac adag, degdeg badan, isla markaana sare u qaadi kara tayada khadka dambe ee kooxda xilli ciyaareedka cusub. sidoo kale —
John Stones ma noqon karaa lammaanaha ugu habboon ee Levi Colwill, mise wuxuu ku habboon yahay inuu noqdo ciyaaryahan qibrad ahaan kooxda u xoojiya?
Su’aasha hadda taagan ayaa ah: Chelsea ma bixin doontaa £60 milyan si ay u hesho saxiixa Lacroix? 👀
Views: 6
