RASMI: Phil Foden oo heshiis cusub u saxiixay Manchester City ilaa 2030 – Bilowga waayihii cusba ee Enzo Maresca
Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Phil Foden uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxda ku sii haynaya illaa xagaaga 2030, taasoo soo afjartay dhammaan wararkii suuqa kala iibsiga ee la xiriirinayay mustaqbalkiisa.
Heshiiskan cusub wuxuu fariin cad u dirayaa taageerayaasha iyo kooxaha kale: Phil Foden wuxuu doonayaa inuu noqdo halyeey dhab ah oo Manchester City ah.
Tirakoob cajiib ah oo uu City ku sameeyay
Tan iyo markii uu ka soo baxay akadeemiyada Manchester City, Foden wuxuu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.
🏟️ 369 kulan
⚽ 110 gool
🎯 68 caawin
🏆 20 koob
Waxaase tiradaas sii cajiib ka dhigaya xaqiiqadan:
🤯 110 gool… Hal rigoore (Penalty) midna kuma jirto!
Taasi waxay muujinaysaa tayada iyo awoodda uu u leeyahay inuu goolal ka dhaliyo ciyaarta furan.
Xilli ciyaareedkii hore ma uusan noqon kii ugu fiicnaa
Foden wuxuu xilli ciyaareedkii tegay la tacaalayay dhaawacyo isdaba joog ah, taasoo saameyn ku yeelatay joogitaankiisa garoomada.
Inkasta oo xaaladdiisu ay soo hagaagtay dhammaadkii xilli ciyaareedka, haddana fursadaha uu ka helay kooxda ma aysan noqon kuwii taageerayaashu filayeen.
Xaggee laga ciyaarsiin doonaa?
Su’aasha ugu weyn ee hadda la isweydiinayo waa:
Phil Foden ma noqon doonaa No.10 mise wuxuu sii ahaan doonaa garabka bidix (No.11)?
Haddii loo adeegsado lambarka 10-aad, wuxuu wajahaya tartan adag oo kaga imaanaya ciyaaryahanka hibada badan ee Rayan Cherki, kaasoo lagu tilmaamo mid ka mid ah hal-abuurayaasha ugu xiisaha badan kubadda cagta maanta.
Labadooda ayaa laga yaabaa inay abuuraan tartan adag nidkaas oo kor u qaadi kara heerka kooxda xiliciyaredka cusub.
Wararkii bixitaanka oo la soo afjaray
Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray warar xan ah oo sheegayay in Foden laga yaabo inuu ka tago Manchester City.
Laakiin ciyaaryahanka ayaa si cad uga jawaabay wararkaas, isagoo doortay inuu saxiixo heshiis cusub oo muddo dheer ah.
Taasi waxay caddeyn u tahay kalsoonida uu ku qabo mashruuca kooxda iyo rabitaankiisa inuu sii joogo Etihad Stadium.
Phil Foden wuxuu horey u galay taariikhda Manchester City, balse heshiiskan cusub wuxuu muujinayaa inuu weli leeyahay himilo weyn oo ah inuu noqdo mid ka mid ah halyeeyada ugu waaweyn ee kooxda.
Hadda indhaha oo dhan waxay ku jeedaan xilli ciyaareedka cusub.


Foden ma dib ayuu u heli doonaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, mise tartanka cusub ayaa ka dhigi doona inuu gaaro heer ka sii sarreeya?
Views: 2
