City Oo Taariikh Dhigtay: 4 Sano Oo Xiriir Ah Finalka FA Cup

Kooxda Manchester City ayaa markale muujisay awooddeeda iyo khibraddeeda kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Southampton kulan adag oo ka tirsan semi-finalka FA Cup. Guushan ayaa City u sahashay inay gaarto finalka tartankan sanadkii afaraad oo xiriir ah – arrin aan horey taariikhda uga dhicin.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si lama filaan ah, iyadoo City gool looga naxsaday, balse kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola waxay si degdeg ah u sameeyeen soo laabasho cajiib ah. Xiddiga firfircoon Jérémy Doku ayaa hoggaanka u qabtay weerarka, halka goolka guusha uu dhaliyay Nico González, kaas oo noqday halyeyga kulanka kubad xoogan uu Banaanka kasoo toogtay.

City Iyo Rikoor Taariikhi Ah

Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee afar sano oo xiriir ah gaarta finalka FA Cup:

  • 2022/23 (🏆)
  • 2023/24 (🥈)
  • 2024/25 (🥈)
  • 2025/26 (Final 🆕)

Inkasta oo labo jeer oo xiriir ah laga qaaday koobka finalka, haddana sanadkan waxay mar kale heleen fursad dahabi ah. Su’aasha ugu weyn ayaa ah: markan ma qaadi doonaan?

Manchester City hadda waxay si dhab ah ugu socotaa inay ku guuleysato treble gudaha ah (saddex koob oo maxalli ah). Tani waa wax yar oo kooxo badan ku guuleystaan, balse City waxay muujisay in aysan marnaba ka baxsan tartanka, xitaa marka la yiraahdo “waa hoos u dhacday”.

Bilowgii xilli ciyaareedka, dad badan ma aysan fileyn City inay heerkan gaarto. Indhaha ayaa badankood ku jeeday kooxo kale sida Liverpool FC iyo Arsenal FC, kuwaas oo la filayay inay xilli ciyaareedka maamulaan.

Si kastaba ha ahaatee, kubadda cagta waa ciyaar aan la saadaalin karin. Mararka qaar waxa la filayo ma dhacaan, halka waxa lama filaanka ahi ay noqdaan xaqiiqo. Tusaale ahaan, Arne Slot sanadkii hore lama fileyn inuu horyaal qaado, balse wuu sameeyay – halka sanadkan la filayay wax badan, ay arrimuhu is beddeleen.

Sirta Guusha: Pep Guardiola

Farqiga ugu weyn ee Manchester City ayaa ah joogtaynta iyo maskaxda tababare Pep Guardiola. Pep waa macalin aan aqbalin guuldarro joogto ah, isla markaana si degdeg ah u hagaajiya khaladaadka kooxdiisa.

Khibraddiisa, qorshihiisa ciyaareed, iyo kalsoonida uu siiyo ciyaartoydiisa ayaa ka dhigaya City koox mar walba dib u soo laaban karta.

ugu danbeyn

Manchester City waxay markale taagan tahay albaabka guusha, iyadoo gaartay finalka FA Cup sanadkii afaraad oo xiriir ah. Inkasta oo sanadihii hore laga qaaday koobka, haddana sanadkan waxay u muuqdaan kuwo ka go’an inay taariikh cusub qoraan.

Su’aasha wali furan ayaa ah: City ma qaadi doontaa FA Cup markan, mise mar kale ayaa laga yaabin doonaa?

Views: 1