Frank Lampard oo Coventry City Ku Soo Celiyay Premier League – Soo Laabasho Taariikhi ah 25 Sano Kadib

Kadib sugitaan dheer oo gaaraya 25 sano, kooxda Coventry City ayaa si rasmi ah ugu soo laabatay Premier League, waxaana guushan taariikhiga ah horseed u noqday macalinka reer England Frank Lampard.

Lampard, oo horey ugu caan baxay ciyaaryahan heer sare ah, ayaa haatan muujiyay inuu yahay macalin leh aragti, hogaamin iyo karti uu ku beddelo kooxaha. Wuxuu Coventry ka dhisay koox isku duuban, leh nidaam ciyaareed cad iyo kalsooni sare, taasoo ugu dambeyn u sahashay inay gaaraan heerka ugu sarreeya kubadda cagta England.

Guushan ma ahan mid fudud, balse waa mid muujineysa dadaal, samir iyo shaqo adag. Lampard ayaa si gaar ah u muujiyay inuu yahay mid ka mid ah macalimiinta ugu promising-ka badan ee kasoo baxay ciyaartooydii hore ee England. Taageerayaasha Coventry City ayaa hadda rajo weyn ka qaba mustaqbalka kooxda, iyadoo Premier League ay tahay horyaal ay ku kulmaan kooxaha ugu awoodda badan, cadaadis iyo tartan adagna uu ka jiro.

“Soo dhowaada horyaalka boobka iyo istareeska” – waa fariinta loo dirayo Coventry City, maadaama Premier League uu yahay meel aysan sahlaneyn in lagu sii nagaado. Si kastaba ha ahaatee, Lampard wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay caqabaddaas, isla markaana uu leeyahay awood uu kooxda ku hoggaamiyo heer sare.

Frank Lampard wuxuu hadda kasbaday amaan ballaaran, isagoo caddeeyay in guulaha macalinimo aysan ku imaan sumcad hore oo ciyaaryahanimo kaliya, balse ay u baahan yihiin xirfad iyo go’aan adag. Coventry City iyo taageerayaashooda waxay galayaan bog cusub oo taariikhdooda ah, iyadoo rajo weyn laga qabo inay ka yaabiyaan kooxaha waaweyn ee horyaalka.

🔥 Super Frank – shaqo fantastik ah!

Views: 0