“Kadib Markii Loo Diiday Koobka Adduunka, Omar Artan Oo Taariikh Ka Dhigay UEFA Super Cup”

Omar Artan: Markay Hal Irid Xiranto, Allah Irido Ka Wanaagsan Ayuu Furaa

🇸🇴⚽ Garsooraha Soomaaliyeed ee Omar Artan ayaa mar kale taariikh cusub u qoray Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika, kadib markii si rasmi ah loogu magacaabay inuu qabto tartanka UEFA Super Cup bisha Agoosto.

Dhowr Maalin ka hor, dunida kubadda cagta ayaa si weyn uga hadleysay Omar Artan markii laga hor istaagay inuu galo Mareykanka si uu uga qayb galo Koobka Adduunka. Wararku waxay sheegeen in inkastoo uu watay dhammaan dukumentiyadii iyo fiisihii saxda ahaa, haddana loo diiday gelitaanka dalka, arrintaas oo niyad jab weyn ku noqotay isaga iyo malaayiin Soomaali ah.

OMAR oo hadlay:- “Waxaan ahay garsoore kaliya oo doonayay inuu gaaro riyadiisa ugu weyn ee ah inuu ka shaqeeyo Koobka Adduunka. Aad ayaan uga xumahay waxa dhacay,” ayuu markaas yiri Omar Artan.

Dad badan ayaa u arkay in albaabkii ugu weynaa ee xirfaddiisa la xiray, balse waxaa dhab noqotay oraahda oranaysa:

“Markay hal irid kaa xiranto, Allah wuxuu kuu furaa irido badan oo ka wanaagsan tii hore.”

Maanta, Omar Artan wuxuu helay fursad ka weyn middii laga hor istaagay. Waxa uu noqonayaa Soomaalihii ugu horreeyay, Afrikaanhii ugu horreeyay, iyo Muslimkii ugu horreeyay ee qabta Final-ka UEFA Super Cup, kulan ay iskaga hor imaanayaan Paris Saint-Germain iyo Aston Villa.

Guushan ma aha mid isaga kaliya u gaar ah, balse waa guul ay wadaagaan dhammaan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan. Intii ay socotay dhibaatadii uu wajahday, taageero weyn ayuu ka helay dunida oo dhan, iyadoo magaciisa lagu qoray warbaahinta ugu waaweyn caalamka, kana dhigtay astaan u taagan dulqaadka, dadaalka iyo guusha.

Maanta Omar Artan wuxuu dunida tusayaa in caqabaduhu aysan joojin karin qof riyadiisa rumeysan. Halkii uu niyad jabi lahaa, wuxuu noqday qof ka sii xoog badan, kuna sii dhow inu taariikh u qoro caalamka.

Waxaan leenahay:

Guuleyso Omar Artan! 🇸🇴❤️

Waxaad noqotay astaan ay ku faanto Soomaaliya, Afrika iyo dhammaan Muslimiinta dunida. Magacaaga waxaa lagu xusi doonaa bogagga taariikhda kubadda cagta, waxaana rajeyneynaa in tani ay noqoto bilowga guulo ka sii waaweyn oo kuu soo socda.

Views: 14