Liverpool iyo Qorshaha Suuqa Xagaaga: “Iibi si aad u iibsato” ma xal sax ah baa?

Liverpool ayaa wajahaysa xagaa aad u xasaasi ah, iyadoo hadalka tababare Arne Slot ee ah “waxaan u baahanahay inaan wax gadno si wax u soo iibsano” uu dood badan ka dhex abuuray taageerayaasha. Hadalkan wuxuu si cad u muujinayaa in kooxda aysan si fudud suuqa uga bixi doonin lacag badan, balse ay ku shaqeyn doonto nidaamka caanka ah ee iibi si aad u iibsato. Su’aasha ugu weynse waa: xisaabtan ma shaqeyn kartaa xilli kooxda dib-u-dhis weyn u baahan tahay?

Liverpool maanta waxay joogtaa marxalad ay u baahan tahay xoojinta dhowr boos oo muhiim ah. Difaaca bidix, khadka dhexe, iyo weerarka dambe dhammaantood waxaa laga dareemayaa baahi. Laakiin marka la eego ciyaartoyda suuqa geli kara, taageerayaal badan ayaa la yaaban halka lacagta weyn lacagtas weyn laga keeni karo.

Magacyada ugu waaweyn sida Mohamed Salah iyo Andy Robertson haddii Waa ay Bixi doonan Xiliciyaredka Markii uu dhamaado, Sidoo kale Ibrahima Konaté haddii xaaladdiisu gasho marxalad heshiis oo adag, waxaa suuragal ah in qiimihiisa suuqa uusan gaarin heerka Liverpool rabto hadii uusan Heshiis Cusub Saxiixina Waxase sii Macquul inuu Free ku baxo. Taas waxay ka dhigeysaa qorshaha “iibi si aad u iibsato” mid u muuqda mid adag marka la eego xaqiiqda ka jirta kooxda.

Dhinaca kale, Liverpool ma laha ciyaartoy badan oo kursiga keydka fadhiya oo qiimo sare lagu iibin karo sida kooxaha kale. Ciyaartoyda la filan karo in lacag fiican laga helo waa kuwa da’da yar ama kuwa rotational players-ka ah, balse iibintooda mararka qaar waxay dhaawici kartaa mustaqbalka kooxda. Haddii aad iibiso dhalinyarada leh mustaqbalka, waxaad halis gelin kartaa qoto-dheeraanta squad-ka.

Arrinta sii adkeyneysa waa u soo bixitaanka Champions League. Haddii Liverpool ku guuldareysato inay boos ka hesho tartankaas, kooxda waxay waayi doontaa dakhli aad u badan oo ka yimaada UEFA, xayeysiisyada, iyo soo jiidashada ciyaartoyda waaweyn. Taasi waxay si toos ah culays u saareysaa qorshaha suuqa, maadaama iibka ciyaartoydu noqdo ilaha ugu weyn ee lacagta.

Si kastaba, falsafadda Slot waxay noqon kartaa mid dhaqaale ahaan sax ah. Kooxo badan oo Yurub ah ayaa maanta ku shaqeeya nidaamkan si ay uga fogaadaan kharash xad dhaaf ah. Laakiin Liverpool oo ah koox u baahan dib-u-dhis degdeg ah, taageerayaashu waxay filayaan in maamulka uu sidoo kale maalgelin toos ah sameeyo halkii kaliya iib lagu tiirsanaan lahaa.

Gabagabadii, qorshaha Liverpool ee xagaagan wuxuu u muuqdaa mid ku xirnaan doona yaa la iibin doona, kuwa la iibiyo qiimaha laga heli karo, iyo in kooxda Champions League gaarto. Haddii saddexdaas aysan si fiican u dhicin, suuqa xagaaga wuxuu noqon karaa mid ka adag sidii taageerayaashu filayeen.

Views: 0