Manchester City 1-0 Coventry: Haaland Oo Guusha Keenay, Elliott Anderson Oo Bandhig Cajiib Ah Sameeyay
Manchester City ayaa sii wadatay bilowgeeda wanaagsan ee xilli ciyaareedka, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay Coventry City, taasoo ka dhigan in kooxda enzo Merescaay 3 kulan oo Premier League ah wada badisay.
Goolka kaliya ee ciyaarta waxaa Manchester City u dhaliyay Erling Haaland, kaasoo markale muujiyay muhiimadda uu u leeyahay kooxda. Inkastoo City ay ciyaarta gacanta ku haysay, haddana guushu ma ahayn mid sahlan, waxaana Coventry ay sameysay iska caabin wanaagsan.
Elliott Anderson oo khadka dhexe xukumay
Mid ka mid ah waxyaabihii ugu waaweynaa ee ciyaarta laga hadlayay wuxuu ahaa bandhigga cajiibka ah ee Elliott Anderson.
Anderson ayaa sameeyay tirooyin muujinaya sida uu khadka dhexe uga maamulayay ciyaarta. Wuxuu isku dayay 155 baas, isagoo dhammeystiray 143, taasoo ka dhigan saxnaan baas oo dhan 92.3%.
Sidoo kale, Anderson wuxuu ku guuleystay 7 dagaal oo kubbadeed, wuxuu kubadda kasoo celiyay kooxda kasoo horjeedda 6 jeer, wuxuuna dhammeystiray labadii dribble ee uu isku dayay.
Waxa intaas dheer, Anderson wuxuu ciyaarta sameeyay in ka badan 176 taabasho, wuxuu 21 jeer galay qaybta ugu dambeysa ee garoonka, waxaana laga galay 3 foul, isagoo sidoo kale sameeyay 2 interceptions.
Xogta ugu yaabka badan ayaa ah in Anderson uu dhammeystiray 146 baas kulankii Coventry, taasoo ka badan tirada baasaska ay Coventry oo dhan dhammeystirtay, oo ahayd 139.
Sida laga soo xigtay Squawka, ma jiro khadka dhexe oo Ingiriis ah oo hal kulan Premier League ah sameeyay baasas ka badan intaas tan iyo markii xogta rasmiga ah la bilaabay in la diiwaangeliyo xilli ciyaareedkii 2003/04.
Cherki oo baxay iyo doodda taageerayaasha
Dhanka kale, beddelkii Cherki ayaa dhaliyay dood kale. Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa aaminsanaa in City ay luminaysay xakamaynta ciyaarta kaddib markii ciyaaryahanka laga saaray.
Si kastaba, waxa ugu muhiimsan Manchester City waa in kooxda ay heshay saddexda dhibcood.
3 kulan, 3 guul
Guushan waxay Manchester City siisay bilow aad u wanaagsan. Saddex kulan oo horyaalka ah, saddex guul.
Kooxdu weli waxay leedahay waxyaabo u baahan in la hagaajiyo, gaar ahaan marka ay ciyaartu noqoto mid adag, balse natiijooyinka hore waxay muujinayaan in City ay xilli ciyaareedkan si xooggan ku bilaabatay.
Haaland ayaa sii wada shaqadiisa gool dhalinta, halka bandhigga Elliott Anderson uu siinayo kooxda sabab kale oo ay ugu farxaan khadka dhexe.
Haddii Anderson uu sii wado heerkan, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee Manchester City xilli ciyaareedkan.

Views: 0
