Manchester City Oo Garaacday Arsenal – Tartanka Horyaalka Oo Meel Xasaasi Ah Maraya
Kooxda Manchester City ayaa guul weyn ka gaartay hogaamiyeyaasha horyaalka Arsenal FC kadib kulan aad u xiiso badan oo ka dhacay garoonka Etihad Stadium, kaasoo ku dhammaaday 2-1.
Kulankan ayaa ahaa mid si weyn loo sugayay, maadaama labada kooxood ay si toos ah ugu loolamayaan hanashada Premier League. Manchester City ayaa si xoogan ku bilaabatay ciyaarta, waxayna si degdeg ah u muujisay tayadeeda weerar.
Goolka koowaad ee ciyaarta waxaa si qurux badan u dhaliyay Rayan Cherki, kadib markii uu kubad si xirfad leh uga dhex watay difaacyada Arsenal, islamarkaana shabaqa ku hubsaday si cajiib ah. Goolkaas ayaa ahaa fariin cad oo muujineysa rabitaanka City ee guusha.

Arsenal se kama aysan daahin jawaabta. Kadib qalad yar oo dhanka difaaca ah, waxay heleen fursad ay ku keenaan goolka barbaraha, waxaana si deggan u dhaliyay Kai Havertz daqiiqadii 18-aad, taasoo ciyaarta ka dhigtay mid mar kale furan.

Intii ka dambeysay, Manchester City ayaa si weyn u maamuleysay kubadda, iyadoo cadaadis joogto ah saartay Arsenal. Sida lagu yaqaan kubadda cagta heerka sare, ciyaaraha waaweyn waxaa lagu kala badiyaa “farqi aad u yar (small margins)”, waxaana taas si cad looga arkay kulankan.
Goolka labaad ee City ayaa ka dhashay qalad yar oo dhanka qaab-dhismeedka ah oo ay sameysay Arsenal. Gabriel Martinelli ayaa raacay ciyaaryahan khaldan, halka Martin Ødegaard uu isku dayayay inuu saxo booska. Taasi waxay keentay in Donaruma uu KUbada u tuuro Nico OReilly asna uu usii Gudbiyay Jérémy Doku uu si fudud ugu dhex galo xerada ganaaxa.

Kubadda ayaa si dhaqso leh u gaartay isla Oreilly oo Kuboos qaatay Xerada Ganaaxa arsenal asna uu Kubada usii gudbiyay Erling Haaland, kaasoo si halhaleel ah ugu dhammeystiray shabaqa kubad xooggan, isagoo u xaqiijiyay City goolka guusha.
Arsenal waxay isku dayday inay dib u soo laabato, balse ma aysan helin fursad cad oo ay ku badbaadsato natiijada. Dhanka kale, Manchester City ayaa si buuxda uga faa’iidaysatay khaladaadka yar yar ee dhacay, waxayna qaadatay saddex dhibcood oo aad muhiim u ah.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay weli hogaanka horyaalka hayso, balse farqiga dhibcaha uu yahay mid aad u yar. Manchester City ayaa sidoo kale leh kulan baaqi ah, taasoo siinaysa fursad weyn oo ay kula wareegi karto hogaanka haddii ay guul ka gaarto.
Ugu dambeyn, ciyaartan ayaa mar kale caddeysay in tartanka Premier League uu yahay mid adag oo aan la saadaalin karin, halkaas oo hal qalad uu go’aamin karo natiijada kulamada waaweyn.
Sawirada Ciyaarta









Views: 0
