Manchester City Somali Fans oo u dabaaldegaya 100K Followers, kana hortagaya Chelsea
Bogga ugu weyn ee taageerayaasha Manchester City Somali Fans, ayaa toddobaadkan si rasmi ah u gaaray guul weyn oo ah 100,000 Followers dhanka Facebooka ah, taas oo ka dhigan marxalad muhiim u ah bulshada taageerayaasha kooxda ee dalka.
Si loo maamuuso guushan taariikhiga ah, maamulka Manchester City Somali Fans ayaa kulan saaxiibtinimo ku casuumay dhiggooda OneChelsea Somali Fans, waxaana si degdeg ah u aqbalay casuumaadda maamulka Chelsea Somali Fans, iyadoo la isla gartay in munaasabaddan loo beddelo maalin ay ku kulmaan taageerayaasha labada kooxood.

Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ay ka muuqato saaxiibtinimo, is dhexgal iyo madadaalo, isla markaana ay taageerayaashu ku muujiyaan jacaylkooda kooxahooda iyagoo ilaalinaya is-xushmeynta iyo ciyaar wanaagga.
Faahfaahinta Kulanka
🏆 Kulan: Saaxiibtinimo (Friendly Match)
📅 Taariikhda: Jimce, 17 July
🕓 Waqtiga: 4:00 PM (16:00)
🏟️ Garoonka: Macquul Stadium, KM4, agagaarka Enzo Home, Wadada 21 October
🚩 Garsooraha: Qamar
Manchester City Somali Fans ayaa ugu baaqay dhammaan taageerayaashooda inay garoonka yimaadaan iyagoo xiran funaanadaha iyo calamada kooxda si garoonka loogu beddelo bad buluug ah oo lagu xusayo 100K-ta taageerayaasha.


Dhanka kale, OneChelsea Somali Fans ayaa sidoo kale ugu baaqay taageerayaashooda inay kasoo qaybgalaan kulanka iyagoo wata astaamaha kooxda Chelsea, si labada dhinacba ay u abuuraan jawi qurux badan oo ay ku dhiirrigeliyaan ciyaartoyda matalaysa.


Kulankan ma aha oo keliya tartan kubadda cagta ah, balse waa munaasabad mideynaysa taageerayaasha labada kooxood, isla markaana muujinaysa sida ay bulshada taageerayaasha kubadda cagta ee Soomaaliya ugu kortay is-ixtiraam, wadajir iyo isdhexgal.
Dhammaan indhaha taageerayaasha Manchester City iyo Chelsea ee Soomaaliya ayaa Jimcaha ku soo jeesan doona Macquul Stadium, halkaas oo lagu xusi doono guusha 100K Followers, laguna ciyaari doono kulan saaxiibtinimo oo la filayo inuu noqdo mid xiiso badan.

Views: 22
