Premier League: Arsenal & Man City Oo Bilowga Horyaalka Hogaaminaya

Saddex kulan oo Premier League ah ayaa la ciyaaray, waxaana durba muuqata in Arsenal iyo Manchester City ay yihiin labada kooxood ee si fiican u bilaabay xilli ciyaareedka, iyadoo labaduba haystaan 9 dhibcood oo buuxa.

Arsenal ayaa dhinaca difaaca si gaar ah u soo jiidatay. Saddexdii kulan ee ay ciyaartay, fursadaha tayada leh ee laga sameeyay ayaa ahaa kuwo aad u yar, iyadoo guud ahaan laga helay kaliya 0.88 xGC. Taasi waxay ka dhigan tahay in saddex kulan lagu sameeyay fursado u dhigma wax ka yar hal gool. 🔥

Arsenal sidoo kale waxay leedahay rikoor cajiib ah marka ay la ciyaarayso kooxaha London. 30-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha London, hal guuldarro oo kaliya ayaa soo gaartay. Taasi waxay xoojinaysaa hadalka ah:

London is Red 🔴

Dhanka kale, Tottenham ayaa ku jirta bilow adag. Saddex kulan kadib, waxay haystaan hal dhibic oo kaliya, iyadoo ay galeen laba guuldarro iyo hal barbaro, waxayna fadhiyaan kaalinta 18-aad.

Chelsea-na xaaladdu kama fiicna. Inkastoo ay saddexdii kulanba 5-ta daqiiqo ee ugu horreysa gool dhalisay, haddana difaacooda ayaa weli ah meel weyn oo laga walaaco. Kulamadooda waxaa laga sameynayaa 20+ taabasho gudaha xerada ganaaxa, qiyaastii 15 darbo iyo 1.6 xG. Nidaamka 5-2-3 pressing-ka ayaa u muuqda inuu leeyahay meelo badan oo laga faa’iideysan karo.

⚽ Goolasha iyo Caawinta

Dhinaca weerarka, Haaland, Isak iyo Bruno Fernandes ayaa min 3 gool leh.

Caawinta waxaa hoggaaminaya Cody Gakpo oo leh 3 assists, halka Ryan Cherki, Semenyo iyo Foden ay min 2 leeyihiin.

Marka la isku daro goolasha iyo assists-ka, Bruno Fernandes, Ryan Cherki, João Pedro iyo Gakpo ayaa wada hoggaaminaya, iyagoo min 4 goal contributions leh.

🏆 Maxaa laga filan karaa?

Bilowgan wuxuu sii xoojinayaa saadaasha ah in Arsenal iyo Man City ay noqon karaan labada kooxood ee ugu weyn tartanka horyaalka. City waxay leedahay 9 dhibcood, Arsenal-na sidoo kale 9 dhibcood, halka farqiga goolasha uu hadda kala saarayo.

Haddii Arsenal ay sii waddo difaacan adag + khadka dhexe ee ay Rice hoggaaminayo, Gunners-ka waxay noqon doonaan koox aad u adag in laga adkaado.

3 kulan, 3 guul. Arsenal waa soo jeeddaa. 🔴🔥

Views: 0

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.