RASMI: Manchester City oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Elliot Anderson – “Wax Walba Waan U Huray Inaan Ku Soo Biiro City”

Manchester City ayaa si rasmi ah u xaqiijisay saxiixa khadka dhexe ee reer England Elliot Anderson, kaasoo qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo ku sii haynaya garoonka Etihad ilaa xagaaga 2031.

Anderson ayaa noqday mid kamid ah saxiixyada muhiimka ah ee kooxda xagaagan, iyadoo City ay sii waddo qorshaheeda lagu xoojinayo safka dhexe si ay ugu sii tartanto dhammaan koobabka waaweyn ee gudaha iyo Yurub.

Xiddiga cusub ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu riyadiisa rumoobay, isagoo sheegay in go’aankiisu uu noqday mid cad isla markii uu maqlay xiisaha Manchester City.

Elliot Anderson: “Wax walba waan sameeyay si aan ugu biiro Manchester City”

Anderson ayaa yiri:

“Isla markii aan maqlay in Manchester City ay xiisaynayso saxiixayga, waxaan go’aansaday inaan sameeyo wax kasta oo suurtagal ah si aan ugu biiro kooxda.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Manchester City waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, kooxda ay haystaanna waa mid cajiib ah oo tayo sare leh boos kasta. Isla markii aan ogaaday inay i doonayaan, waxaan si buuxda uga go’naa inaan u dhaqaaqo Manchester City.”

“Ciyaaryahan ahaan waxaad mar walba rabtaa inaad naftaada ku tijaabiso heerka ugu sarreeya. Joogitaanka City wuxuu i siinayaa fursaddaas.”

“Marka dibadda laga eego, City waa koox si wanaagsan ula dhaqanta ciyaartoydeeda, isla markaana bixisa jawiga ugu fiican ee horumar lagu sameeyo. Guulaha ay gaareen iyo qaabka ay u ciyaareen 10 ilaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay waa wax aan caadi ahayn. Waa sharaf inaan qayb ka noqdo.”

“Markaan Manchester imaado, waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo si aan boos uga helo kooxda. Waa koox loo dhisay inay koobab ku guuleysato oo ay tartanto heerka ugu sarreeya kubadda cagta.”

“Taas waa wax farxad gelinaya ciyaaryahan kasta. Aad ayaan ugu faraxsanahay fursaddan la i siiyay, waxaana go’aansanahay inaan ka soo baxo kalsoonida ay City igu qabto.”

“Manchester City waa boqorada magaalada Manchester”

Anderson ayaa sidoo kale muujiyay taageerada iyo dareenka uu u qabo kooxda, isagoo yiri:

“Aniga ilaa iyo inta aan xasuusto Manchester City ayaa ahayd boqorada magaalada Manchester.”

Hadalkaas ayaa durba soo jiitay taageerayaasha kooxda, kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyay saxiixa cusub ee kooxda.

Manchester City waxay rajaynaysaa in Elliot Anderson uu door muhiim ah ka ciyaaro mashruuca kooxda sanadaha soo socda, isagoo la imaanaya tamar, shaqo badan iyo tayo sare oo lagu xoojinayo khadka dhexe ee kooxda.

Views: 5

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.