“Real Madrid Oo Ka Noqotay Saxiixa Rodri – Florentino Pérez Oo Doortay Bernardo Silva”.

Real Madrid ma sii wadi doonto dadaalladii ay ku doonaysay khadka dhexe ee Manchester City, Rodri, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. Go’aankan ayaa horey u gaaray madaxweynaha kooxda, Florentino Pérez, waxaana hadda aysan jirin wax wada-hadal ama dhaqdhaqaaq rasmi ah oo ku saabsan saxiixiisa.

Rodri ayaa sidoo kale caddeeyay inuusan waxba ka ogeyn hadalkii Enrique Riquelme ee sheegayay inuu ku biiri doono Real Madrid haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinnimada kooxda.

Wararka ayaa tilmaamaya in Florentino Pérez uu mudnaanta siinayo dhammeystirka heshiiska Bernardo Silva, taas oo sii yaraynaysa suurtagalnimada in Rodri uu ku biiro Santiago Bernabéu xagaagan.

Dhanka kale, xiddigii hore ee ku guuleystay Ballon d’Or ayaa wajahaya go’aan muhiim ah: inuu aqbalo heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay Manchester City ama uu sugo ilaa 2027 si uu uga tago kooxda isagoo xor ah (free agent).

Ilo dhowr ah ayaa sheegaya in haddii Rodri uusan cusbooneysiin heshiiskiisa, Real Madrid ay si dhow ula socon doonto xaaladdiisa, iyadoo suuragal ay tahay inay mustaqbalka ku raadiso saxiixiisa si bilaash ah.

Views: 12