Rosenior La Eryay, McFarlane Ku Meel Gaar Ah Chelsea Oo Mar Kale Isbedel Macalin Sameysay

Chelsea ayaa markale galay wareeg cusub oo isbedel tababarenimo ah kadib markii ay si rasmi ah shaqada uga ceyriyeen macallin Liam Rosenior, kaddib 5 guuldarro oo xiriir ah oo horyaalka ah. Go’aankan degdega ah ayaa yimid iyadoo cadaadis xoogan uu saarnaa maamulka kooxda iyo taageerayaasha oo ka niyad jabay natiijooyinka is xigxiga ee liita.

Rosenior oo shaqada qabtay wax ka yar afar bilood ayaa noqday tababaraha cusub ee ugu dambeeya ee lagu qoro “waqtigiisa gaaban ee Stamford Bridge”. Inkasta oo uu isku dayay inuu dejiyo kooxda, haddana natiijooyinka garoonka ayaa noqday kuwo ka dhigay in maamulka Chelsea uu mar kale badalo jihada.

Si ku meel gaar ah, Calum McFarlane ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee Chelsea ilaa bisha Juun, isagoo la wareegaya mas’uuliyadda kooxda inta laga gaarayo dhamaadka xilli ciyaareedka. McFarlane ayaa hadda wajahaya shaqo culus oo ah inuu soo celiyo kalsoonida ciyaartoyda iyo taageerayaasha.

Arrinta Chelsea ee noqotay mid caadi ah sanadihii ugu dambeeyay ayaa ah “mid buri mid keen”, iyadoo tababarayaashu aysan helin waqti ay ku dhisaan nidaam joogto ah. Waxa la yaab leh in qaar ka mid ah tababarayaasha ay helaan heshiisyo waaweyn oo ilaa 6 sano ah, balse la eryo bilo gudahood.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Rosenior uu helay ku dhawaad $24M magdhow ah, taas oo ka dhigaysa in afar bilood oo shaqo ah uu ku kasbaday lacag aad u badan—arrin ay taageerayaashu si weyn uga faalloodeen.

Dhanka kale, Chelsea ayaa durba bilowday qorshe ay ku raadineyso tababare rasmi ah oo cusub bisha Juun, iyadoo la filayo isbedel weyn oo mustaqbalka kooxda ah.

Views: 7