Tottenham oo ku dhow saxiixa Savinho – Manchester City oo bilaabaysa raadinta beddelkiisa

Tottenham Hotspur ayaa qarka u saaran inay heshiis la gaarto Manchester City si ay ula soo wareegto xiddiga garabka ka ciyaara ee Savinho, iyadoo qiimaha heshiiska lagu sheegay inuu u dhexeeyo £65 milyan ilaa £70 milyan.

Haddii heshiiska si rasmi ah u dhaco, Manchester City ayaa durba bilaabi doonta qorshaha ay ku raadinayso garab weerar oo buuxiya booska Savinho.

Wararka ayaa sheegaya in City ay weli xiisaynayso Rodrygo oo ka tirsan Real Madrid, inkastoo heshiiskiisu uusan sahlanayn. Sidoo kale, kooxda ayaa liiskeeda ku dartay da’yarka hibada badan ee Ibrahim Mbaye (PSG) iyo Iliman Ndiaye oo ka tirsan Everton, kuwaas oo loo arko xulashooyin kale oo suurtagal ah.

Fikirka Taageerayaasha City:

Savinho waa ciyaaryahan da’yar oo leh xawaare, xirfad kubbad wadis iyo karti uu hal-hal ugu dhaafo daafacyada. Inkastoo uusan weli si buuxda u muujin awooddiisa, taageerayaal badan oo Manchester City ah ayaa rumeysan inuu mustaqbal weyn ku leeyahay kooxda.

Adiga oo ah taageere Manchester City, ma jeclaan lahayd inuu Savinho sii joogo kooxda, mise waxaad u aragtaa in £65–70 milyan ay tahay lacag wanaagsan oo kooxda ay ku iibin karto? Aragtidaada nala wadaag. 👇💙

🗞️ Xigasho: Simon Jones (Daily Mail).

Views: 6

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.