π¦π· Argentina oo Final-ka Koobka Adduunka Gaartay, Messi oo Mar Kale Taariikh Qoray!
Difaacaneysaasha koobka adduunka ee Argentina ayaa mar kale xaqiijiyay sababta loogu tilmaamo kooxda ugu adkeysiga badan kubadda cagta, kadib markii ay 2β1 kaga adkaadeen England kulan xiiso iyo xamaasad lahaa, una gudbeen final-ka Koobka Adduunka 2026.
Xulka Lionel Scaloni wuxuu wajahayay cadaadis weyn kadib markii England ay hoggaanka qabatay qeybtii labaad, balse Argentina ma quusan. Waxay muujiyeen dulqaad, geesinimo iyo rumeysad ay ku soo laabteen daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Goolkii koowaad ee England waxaa daqiiqaddii 55-aad u dhaliyay Anthony Gordon, iyadoo xulka Ingiriisku u muuqday mid dib u gurasho Sameyay Wixi ka danbeyay Goalkas, Hase yeeshee, daqiiqaddii 85-aad ayuu Enzo FernΓ‘ndez dhaliyay goolka barbaraha, ka hor inta uusan Lautaro MartΓnez daqiiqaddii 90+2-aad ku dhalin goolkii guusha ee Argentina. Labada goolba waxaa caawiyay kabtanka xulka, Lionel Messi, oo markale noqday furaha guusha dalkiisa.


Messi oo mar kale dunida tusay sababta loogu yeero GOAT
Inkasta oo uu jiro 39 sano, Lionel Messi ayaa mar kale soo bandhigay bandhig uu ku caddeeyay in da’du aysan ka hor istaagin inuu noqdo ciyaaryahanka ugu saameynta badan garoomada.
Laba caawin oo goolal ah ayuu sameeyay kulankan, isagoo markasta ka muuqday meel kasta oo weerarka Argentina ka bilaabanayay. Waa habeen kale oo uu Messi ku muujiyay hoggaamin, degganaansho iyo awood uu ciyaarta ku beddeli karo ilbiriqsiyo gudahood.

Koobka Adduunka 2026, Messi wuxuu ilaa hadda hoggaaminayaa tirokoobyo muhiim ah:
- β½ Goolasha ugu badan: 8
- π― Fursadaha ugu badan ee la abuuray: 25
- β¨ Dribbles-ka ugu badan: 24
- π °οΈ Caawinta labaad ugu badan: 4
Tirooyinkaas waxay markale caddeynayaan inuu yahay laf-dhabarta Argentina iyo ciyaaryahanka ugu saameynta badan tartanka.
Scaloni oo ku guuleystay dagaalkii xeeladaha
Kulankan wuxuu ahaa dagaal xeeladeed oo u dhexeeyay labada tababare.
Lionel Scaloni wuxuu si geesinimo leh u sameeyay beddello beddelay jihada ciyaarta. Isbeddelladiisa ayaa kordhiyay weerarka Argentina, waxaana beddelka ugu muhiimsanaa noqday Lautaro MartΓnez oo kursiga keydka ka yimid kana dhaliyay goolkii guusha.
Dhanka kale, Thomas Tuchel ayaa si weyn loogu dhaliilay qaabka uu ciyaarta u maamulay. Kadib markii England hoggaanka qabatay, wuxuu doortay inuu kooxda dib u celiyo halkii uu sii weerari lahaa, taasoo siisay Argentina fursad ay cadaadis joogto ah ku saarto difaaca Ingiriiska.
England oo markale ku fashilantay riyadii final-ka
England waxay ku riyoonaysay inay gaarto final kale oo Koobka Adduunka, balse rajadaas ayaa burburtay daqiiqadihii ugu dambeeyay.



Inkasta oo ay hoggaanka qabteen, haddana ma aysan awoodin inay ilaashadaan natiijada, waxaana mar kale muuqday dhibaatooyinkii soo noqnoqday ee dhinaca maamulka ciyaarta iyo adkeysiga maskaxeed.
Taageerayaasha England waxay sii sugayaan guul weyn oo Koobka Adduunka ah, halka Argentina ay markale u dabaaldegayso habeen kale oo taariikhi ah.
Final-ka la wada sugayo: Argentina vs Spain
Hadda indhaha dunidu waxay ku jeedaan 19-ka July, magaalada New York, halkaas oo ay ku kulmi doonaan laba ka mid ah xulalka ugu bandhigga wanaagsan tartanka.
Argentina, oo ah difaacaneysaasha koobka, waxay dooneysaa inay sii haysato taajka.
Spain iyaduna waxay raadineysaa inay dib ugu soo laabato boqortooyada kubadda cagta iyadoo haysata jiil cusub oo tayo sare leh.
Waxay noqon doontaa ciyaar ay ku kulmaan khibradda Messi iyo tamarta jiilka cusub ee Spain.
Hadalladii ugu muhiimsanaa ciyaarta kadib
Lionel Messi
“Cidna waxba nagama caawin. Waxa aan gaarnay waa natiijada shaqo iyo dadaal. Waxaan ogahay in guushayadu dhibeyso dad badan, balse waxa ay sheegaan muhiim noo ma aha.”
Isagoo ka hadlayay eedeymaha ku saabsan in FIFA ay taageerto Argentina ayuu yiri:

“Qof si bilaash ah wax noogu siiya ma jiro. Jeclaaw ama necbaaw, afartii sano ee ugu dambeysay waxaan nahay waddanka ugu fiican kubadda cagta.”
Messi ayaa sidoo kale ka hadlay final-ka Spain:
“Spain waa xul adag oo leh qaab ciyaareed cad. Waxaan garanayaa ciyaartoy badan oo halkaas jooga, qaar badan waxay u ciyaaraan Barcelona. Waxay noqon doontaa ciyaar weyn, laakiin waxaan ku kalsoonahay inaan guuleysan doono.”
Jude Bellingham
Xiddiga England ayaa inkastoo laga badiyay muujiyay qadarin uu u hayo Messi.
“Inkastoo nala garaacay, sharaf ayay ii tahay inaan garoon la wadaagay Lionel Messi.”
Thomas Tuchel


Tababaraha England ayaa difaacay go’aamadiisii ciyaarta.
“Kadib ciyaarta waa fududahay in qof walba hadlo. Hadda waxaan arkayaa malaayiin qof oo isu ekaysiinaya tababarayaal oo dhaliilaya go’aannadayda.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Aniga ahaan, tani waxay ahayd ciyaartii noogu fiicneyd ee Koobka Adduunka. Wax qoomamo ah ma qabno.”
Wayne Rooney

Halyeeyga England ayaan la dhacsaneyn qaabkii kooxdiisu u ciyaartay.
“Macquul ma aha inaad hal gool ku hormarto kadibna dib isu dhiibto. Gaar ahaan marka aad la ciyaareyso Argentina oo culeys saarneyd.”
Barcelona oo hubisay inuu koobku yimaado Camp Nou
Final-kan wuxuu sidoo kale leeyahay sheeko xiiso leh.
Dhanka Argentina waxaa hoggaaminaya Lionel Messi, halka Spain ay haysato xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal.

Taas waxay ka dhigan tahay in taageerayaasha Barcelona ay hubaan in midkood uu qaadi doono Koobka Adduunka, halka taageerayaasha Real Madrid ay si weyn u sugayaan sida uu final-kaasi ku dhammaan doono.
Messi oo sii xoojinaya doodda GOAT-ka β 5 jeer oo loo doortay Xiddiga Garoonka
Haddii ay jirto hal ciyaaryahan oo Koobka Adduunka 2026 si joogto ah u muujiyay tayadiisa, waa Lionel Messi. Kabtanka Argentina oo 39 jir ah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu saameynta badnaa tartanka, isagoo ku guuleystay shan jeer abaalmarinta Man of the Match (MOTM) β arrin mar kale muujisay heerka uu weli ka joogo kubadda cagta.

π
Vs Algeria
π
Vs Cape Verde
π
Vs Egypt
π
Vs Austria
π
Vs England
Shantan abaalmarin ma aha tiro kaliya, balse waa caddeyn muujinaysa in Messi uu ahaa wadnaha iyo maskaxda Argentina intii uu socday tartankan. Mar kasta oo kooxdiisu u baahato hoggaamiye, wuxuu u istaagay mas’uuliyadda, isagoo goolal dhaliyay, kuwo kalena caawiyay, isla markaana jihada ciyaarta beddelay.
Lionel Messi ma dalbanayo in lagu aamino inuu yahay GOAT-ka; wuxuu garoonka dhexdiisa ku bixiyaa caddeynta. Haddii weli shakigu kuu jiro, waa waqtigii aad ka gudbi lahayd doodaha oo aad ku raaxaysan lahayd sixirka kubadda cagta. ππ¦π·
War Pickford shaqo badan ayuu soo qabtay e! π Dhalada biyaha waxaa ugu qornaa magacyada ciyaartoyda Argentina iyo halka ay rigoorada dhigaan. Laakiin Argentina waxay go’aansatay in ciyaarta 90-ka daqiiqo lagu dhammeeyo, qorshihiina halkii ayuu ku haray. π€£π¦π·


Gunaanad Dhamaan Falaqenta
Argentina waxay mar kale caddeysay inay tahay koox aan quusan, xilli Lionel Messi uu sii wado qorista taariikh aan horay loo arag. Soo laabashadii ay ka sameeyeen England waxay ahayd tusaale kale oo muujinaya awoodda maskaxeed, tayada iyo hoggaaminta ay kooxdaasi leedahay.
Hadda waxaa harsan hal tallaabo oo keliya. Final-ka Argentina iyo Spain ma noqon doono oo kaliya ciyaar lagu kala baxayo koobka adduunka, balse wuxuu noqon doonaa habeen ay isugu yimaadaan waayo-aragnimada halyeeyga Lionel Messi iyo hibada jiilka cusub ee Spain, kulan ay malaayiin taageerayaal kubadda cagta ah dunida oo dhan indhaha ku wada hayaan.
Sawirada Ciyaarta








Views: 11
