VINI JR 2032! Real Madrid Oo Xiddigeeda Ka Xirtay Albaabka Arsenal
Vinícius Jr ayaa si rasmi ah u go’aansaday mustaqbalkiisa, isagoo heshiis cusub oo uu Real Madrid kula sii joogayo ilaa 2032 qalinka ku duugay. Xiddiga reer Brazil ayaa sidaas ku soo afjaray toddobaadyadii ay socdeen wararka ku saabsanaa mustaqbalkiisa iyo xiisihii xoogga lahaa ee Arsenal. (ESPN)
Vini Jr ayaa Real Madrid ku biiray 2018, waxaana uu kooxda ku qaatay siddeed sano oo uu ku noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Santiago Bernabéu. Heshiiskan cusub wuxuu ka dhigan yahay in lix sano oo kale lagu daray muddadii uu horey ugu jiray kooxda.
“8 sano oo aan Bernabéu joogay waxay ila noqotay wax yar, sidaas darteed waxaan ku daray 6 sano oo kale.” 🤍🇧🇷
Qodobka ugu xiisaha badan ee wada-hadallada ayaa ahaa dhinaca dhaqaalaha. Real Madrid ayaa Vini u bandhigtay mushahar aad u sarreeya, inkastoo uu ka hooseeyay Musharka la sheegay inuu markii hore doonayay, balse ciyaaryahanka iyo kooxdiisa ayaa ugu dambeyn ku qancay heshiiska. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in heshiiska lagu sameeyay qodobo muhiim ah oo ku saabsan xuquuqda sawirrada (image rights) iyo gunnooyinka. (The Guardian)
Arsenal ayaa door weyn ku lahayd marxaladdii wada-hadallada. Wakiillada Vini ayaa la xiriiray Arsenal, iyadoo kooxda London ay si dhab ah u muujisay rabitaankeeda ah inay hesho xiddiga reer Brazil. Taasi waxay Real Madrid ku riixday inay si buuxda uga shaqeyso sidii ay Vini ugu qancin lahayd inuu sii joogo.

Ugu dambeyn, Real Madrid ayaa qaaday tallaabadii ugu muhiimsaneyd: waxay Vini siisay shuruudo uu ku qanci karo, isaga ayaana doortay inuu sii joogo Bernabéu.
Sidaas darteed, Arsenal waa laga xiray albaabka, halka Real Madrid ay sii haysatay lambarkeeda 7-aad iyo mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan jiilkeeda cusub. 🤍💣
Vini Jr ilaa 2032 — Sheekadu Bernabéu ayay ka sii socotaa!
Views: 15
