Chelsea-dii Hore Oo Soo Laabatay? Juventus Oo Garaacday, Xabi Alonso-na Cadaadis Hore Saaran

Chelsea ayaa guuldarro 1-0 ah kala kulantay Juventus kulan ka tirsanaa diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub, taasoo mar kale muujisay dhibaatooyin badan oo weli ka dhex muuqda kooxda.

Inkastoo natiijooyinka kulamada Pre-Season-ka aysan ahayn kuwa si weyn loo qiimeeyo, haddana waxa muhiimka ah waa qaabka ay kooxdu u ciyaartay, awoodda jireed, dagaalka garoonka iyo maskaxda ciyaartoyda.

Chelsea waxaa kulankan ka muuqday ciyaartoy aan weli u diyaarsanayn dhinaca physical-ka, aan kubbadda si adag ugu dagaallami karin, isla markaana aan muujin mentality-ga looga baahan yahay koox doonaysa inay koobab ku tartanto.

Xabi Alonso waxaa horyaalla shaqo badan. Waxaa laga doonayaa inuu kooxda ka yareeyo ciyaartoyda badan, isla markaana uu soo reebo qiyaastii 26 ciyaaryahan oo tayo leh, isku dheelitiran, una diyaarsan dagaalka xilli ciyaareedka cusub.

Arrin kale oo welwel dhalinaysa ayaa ah rikoodhka Xabi Alonso ee kulamada waaweyn. Ilaa hadda wuxuu Chelsea hoggaamiyay laba kulan oo waaweyn, labadaba waxaa loo diiwaangeliyay guuldarro.

Weli waa xilli hore, laakiin Chelsea waxay u baahan tahay inay si degdeg ah u saxdo dhibaatooyinkan, haddii aysan doonayn inay mar kale u ekaato kooxdii dhibaataysnayd xilli ciyaareedkii hore.

600 maalmood kadib Mudryk aya kuso laabtay Kubada Cagta Kadib Drugski lagu helay .

Views: 7

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.