Maresca Ball Oo Shaqeysay! Man City Oo 3-1 Ku Badisay, Guushii Ugu Horreysayna Gaaray
Manchester City ayaa guul 3-1 ah ka gaartay kooxda matalaysay horyaalka South Korea, kulankeedii labaad ee diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.
Guushan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee Enzo Maresca uu ka gaaro tan iyo markii uu la wareegay Manchester City, iyadoo kooxda ay soo bandhigtay qaab ciyaareed qurux badan, kubbad haysasho wanaagsan iyo cadaadis joogto ah.
Rayan Aït-Nouri ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Manchester City, halka Tijjani Reijnders iyo Divin Mubama ay iyaguna shabaqa soo taabteen si ay City ugu xaqiijiyaan guusha.

Waxaa sidoo kale si weyn kulanka uga dhex muuqday Antoine Semenyo, kaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan. Semenyo ayaa sidoo kale wacdarro ka dhigay kulankii hore, taasoo muujineysa inuu si wanaagsan ugu diyaar-garoobayo xilli ciyaareedka cusub.
Inkasta oo ay weli tahay xilliga Pre-Season-ka, haddana waxaa muuqata in falsafadda Enzo Maresca ay si tartiib ah uga hirgaleyso kooxda. Pressing-ka, kubbad haysashada iyo dhismaha weerarka ayaa ahaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee laga arkay kulankan.
Taageerayaasha Manchester City ayaa hadda bilaabaya inay ku raaxaystaan waxa loogu yeero “Enzo Maresca Ball.”
Adiga maku raaxaysatay qaab ciyaareedkii Manchester City?
Goos-Gooska Ciyaarta Halkaan ka Daawo
Views: 4
