England 6-4 France: Hat-trick Bukayo Saka, Mbappé Oo 10 Gool Gaaray & Messi Oo Weli Fursad U Haysta Golden Boot-ka

Xulka qaranka England ayaa soo bandhigay ciyaar weerar oo cajiib ah kadib markii ay 6-4 ku garaaceen France kulan aad u xiiso badnaa oo ka tirsanaa Cida iska soo xaadirin laheed Kaalinta Sadexaad ee Koobka Adduunka 2026.

Ciyaarta ayaa ahayd mid ay labada dhinac si weerar ah u ciyaareen, waxaana la dhaliyay 10 gool, iyadoo England ugu dambeyn xaqiijisay inay u gudubto Final-ka.

Goolasha Kulanka

England ayaa ciyaarta ku hormartay goor hore waxaana goolasha u kala dhaliyay:

  • Declan Rice – 3′
  • Ezri Konsa – 18′
  • Bukayo Saka – 37′
  • Bukayo Saka – 45+2′
  • Bukayo Saka (Rigooro) – 87′
  • Jude Bellingham – 90+8′

Dhanka France waxaa goolasha u kala dhaliyay:

  • Kylian Mbappé – 48′
  • Bradley Barcola – 54′
  • Kylian Mbappé – 66′
  • Ousmane Dembélé – 90+6′

Inkastoo France ay u dhacday Booska 4aad ee tartanka, haddana Kylian Mbappé wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu iftiinka badnaa kooxdiisa isagoo dhaliyay 2 gool, taasoo ka dhigtay inuu gaaro 10 gool oo uu hoggaanka u qabto gooldhalinta Koobka Adduunka.

Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa noqday geesiga England kadib markii uu dhaliyay Hat-trick cajiib ah isla markaana loo doortay Man of the Match.

Ma Ogtahay?

Labadii Hat-trick ee ugu dambeeyay ee loo dhaliyo xulka England waxaa wada dhaliyay Bukayo Saka, Xiddiga da’da yar ayaa mar kale cadeeyay inuu yahay Starboy dhab ah.

Qaar ka mid ah taageerayaasha kubadda cagta ayaa si kaftan ah u yiri:

“England ciyaaraha saaxiibtinimada ayay ku fiican yihiin, marka Semi-final la gaarana way naxaan!”

Mbappé: “Waxaan Ka Doorbidi Lahaa Final-ka Inaan Dheelo”

Inkastoo uu hoggaaminayo gooldhalinta tartanka, Mbappé ayaa muujiyay in koobku uga muhiimsan yahay abaalmarinta shaqsiga ah.

Waxa uu yiri:

“Inaan Finalka Koobka Adduunka dheelo ayaan ka doorbidi lahaa inaan gooldhalinta hoggaamiyo. Messi berri wuu dhalin doonaa gool, waayo isaga mar walba goolal ayuu dhaliyaa.”

Hadalka Mbappé ayaa muujinaya ixtiraamka weyn ee uu u hayo halyeeyga Argentina.

Maxaa Messi U Baahan Yahay Si Uu Ugu Guuleysto Kabta Dahabka?

Ka hor Final-ka, Kylian Mbappé wuxuu leeyahay 10 gool, halka Lionel Messi uu leeyahay 8 gool.

Si Messi ugu guuleysto Golden Boot-ka, wuxuu u baahan yahay mid ka mid ah xaaladahaan:

  • ⚽ Inuu dhaliyo 3 gool, ama
  • ⚽ Inuu dhaliyo 2 gool iyo 1 caawin, ama
  • ⚽ Inuu dhaliyo 2 gool, isla markaana laga saaro ciyaarta qiyaastii daqiiqadda 78-aad, maadaama haddii ay isku gool noqdaan oo caawintuna isla ekaato, abaalmarinta lagu kala saaro daqiiqadaha la ciyaaray.

Mbappé wuxuu ciyaaray 690 daqiiqo, halka Messi uu ciyaaray 620 daqiiqo ka hor Final-ka, taasoo Messi siin karta faa’iido haddii shuruudaha kale is le’ekaadaan.

Hadda indhaha dunida waxay ku wajahan yihiin Final-ka caawa, iyadoo la sugayo haddii Lionel Messi uu sameyn karo mucjiso kale oo uu ku qabsan karo Kabta Dahabka, ama haddii Kylian Mbappé uu ku dhamaysan doono tartanka isagoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya.

Views: 5

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.