Zinedine Zidane oo heshiis la gaaray France – Zizou ayaa ku soo laabanaya kursiga tababarka
Wararka waaweyn ee kubadda cagta ayaa sheegaya in Zinedine Zidane uu ogolaaday dhammaan shuruudaha heshiiska si uu u noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka France
Halyeeyga reer France ayaa muddo sugayay fursaddan, isagoo diiday dalabyo kala duwan oo uga yimid kooxo waaweyn tan iyo bishii December, maadaama uu mudnaanta siinayay inuu mar uun hoggaamiyo xulka dalkiisa.
Sida wararku sheegayaan, Zidane iyo maamulka xulka France ayaa horey u dhammeystiray qorshaha shaqaalaha uu la imaan doono, waxaana la filayaa inuu si rasmi ah u saxiixo heshiiska maalmaha soo socda kadib marka uu Didier Deschamps macsalaameeyo xilka.
Zizou ayaa la filayaa inuu shaqada si rasmi ah u bilaabo bisha November, waxaana horyaalla caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin tartamada UEFA Nations League, Euro 2028 iyo Koobka Adduunka 2030.
Taageerayaasha France ayaa rajeynaya in Zidane uu sii wadi doono guulihii xulka uu horey uga gaaray Deschamps, isagoo adeegsanaya khibraddiisa tababarenimo iyo fahamka uu u leeyahay kubadda cagta heerka ugu sarreeya.
💬 Zinedine Zidane oo France hoggaamiya ma noqon doonaa bilowga xilli dahabi ah oo cusub? 🇫🇷🔥
🗞️ Xigasho: Fabrizo
Views: 2
