Riyo Mise Xaqiiqo? Michael Olise oo Ku Haminaya Real Madrid, Los Blancos Ma Bixin Doontaa €200 Milyan?
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Michael Olise uu saaxiibbadiisa ugu dhow u sheegay in riyadiisa ugu weyn ay tahay inuu maalin u ciyaaro Real Madrid. Warkan oo uu daabacay L’Équipe ayaa durba qabsaday taageerayaasha kubadda cagta, iyadoo sidoo kale la sheegayo in Real Madrid ay diyaar u tahay inay miiska saarto lacag dhan €200 milyan si ay ula soo saxiixato xiddiga reer France.
Si kastaba ha ahaatee, Bayern Munich ma muujinayso wax damac ah oo ay ku iibinayso Olise. Xiddiga ayaa weli qandaraas uga harsan 3 sano, taasoo ka dhigaysa in kooxda Jarmalku ay gacanta sare ku leedahay wada-hadallada.
Dhanka tayada ciyaareed, shaki kuma jiro in Michael Olise uu yahay ciyaaryahan leh hal-abuur, baasas fure ah, xirfad hal-hal ah iyo awood uu ku beddeli karo wajiga weerarka. Waa saxiix xallin kara qayb weyn oo ka mid ah baahiyaha Real Madrid ee dhanka garabka midig.
Laakiin su’aasha ugu weyn ayaa ah: Ma mudan tahay €180-200 milyan?
Haddii qiimahaasi dhab noqdo, waxay noqon kartaa khatar weyn. Cadaadiska ka dhasha qiimahaas ayaa mararka qaar ka culus tayada ciyaaryahanka laftiisa. Intaa waxaa dheer, lacagtaas waxaad ku heli kartaa 3 ama 4 ciyaaryahan oo tayo sare leh, kuwaas oo sii xoojin kara qaybo badan oo kooxda ka mid ah.
Haddii Olise uu yimaado qiime macquul ah, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada ugu wanaagsan ee Real Madrid. Laakiin haddii lagu bixiyo ku dhowaad €200 milyan, maamulka Real Madrid waxay geli doonaan khamaar dhaqaale oo weyn.
Aragtidayda Taageerayaasha Real Madrid
Haddii Olise uu ku biiro Real Madrid, weerarka ay sameyn karaan:
🔥 Vinícius Júnior — Kylian Mbappé — Michael Olise
wuxuu noqon karaa mid ka mid ah weerarrada ugu cabsida badan Yurub. Vinícius wuxuu keeni lahaa xawaare iyo halis joogto ah, Mbappé wuxuu noqon lahaa gooldhaliyaha ugu weyn, halka Olise uu ku dari lahaa hal-abuur, baasaska furaha ah iyo kubbadaha ugu dambeeya.
Si kastaba ha ahaatee, haddii qiimuhu gaarayo €200 milyan, taageerayaal badan ayaa laga yaabaa inay door bidaan in lacagtaas lagu xoojiyo dhowr boos oo kale halkii hal ciyaaryahan lagu bixin lahaa.
💬 Real Madrid Fans, sidee idin kula muuqan lahayd saxiixa Michael Olise? Ma mudan yahay €200 milyan mise lacagtaas waxaa ka wanaagsan in lagu soo iibsado dhowr ciyaaryahan oo tayo sare leh? Fikirkiinna nala wadaaga!
Views: 7
