Manchester City oo si weyn ugu dagaalamaysa saxiixa Ayoub Bouaddi

Manchester City ayaa si xooggan ugu dhow saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Lille, Ayoub Bouaddi, iyadoo kooxda Enzo Maresca ay doonayso inay heshiiska soo gabagabeyso toddobaadyada soo socda.

Warbixinta uu bixiyay David Ornstein ayaa sheegaysa in City ay si dhab ah uga shaqaynayso sidii ay u dhamaystiri lahayd heshiiska ciyaaryahanka da’da yar, kaas oo lagu qiimeynayo inuu gaari karo ku dhowaad €100 milyan.

Manchester City ayaa Bouaddi u aragta ciyaaryahan mustaqbal weyn leh, waxaana qorshaha kooxda uu yahay in uu si toos ah uga mid noqdo kooxda koowaad, halkii amaah loogu sii celin lahaa Lille.

Dhanka kale, Lille ayaa doonaysa in Bouaddi uu hal xilli ciyaareed kale ku sii nagaado kooxda si uu Kaga caawiyo inay Meel fiican kaga gaaran Koobka UCl asna ay unoqoto inu khibrad dheeraad ah u kahelo, taas oo sidoo kale ka caawin karta City in qiimaha heshiiska uu noqdo mid ka fudud lacagta 100m.

Si kastaba ha ahaatee, City ayaa diyaar u ah inay dadaal badan geliso saxiixa xiddiga reer Morocco, iyadoo khadka dhexe uu yahay mid ka mid ah meelaha ay kooxda mudnaanta siinayso xoojintiisa suuqa kala iibsiga.

Haddii heshiisku dhaco, Ayoub Bouaddi wuxuu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada waaweyn ee Manchester City mustaqbalka, isagoo qayb ka noqon kara jiilka cusub ee kooxda.

💬 Taageerayaasha City, ma u aragtaa Bouaddi inuu yahay beddelka saxda ah ee mustaqbalka khadka dhexe? 💙

🗞️ Xigasho: David Ornstein

Views: 3

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.