Kubadda Cagta Mise Filim? Sawirkii Messi iyo Lamine Yamal Oo 18 Sano Ka Hor La Qaaday Ayaa Maanta Noqday Sheekada Ugu Yaabka Badan Football-ka!

Kubadda cagta mararka qaar waxay soo bandhigtaa dhacdooyin u muuqda sidii filim Hollywood ah. Mid ka mid ah sheekooyinka ugu yaabka badan maanta waa sawirka caanka noqday ee Lionel Messi iyo Lamine Yamal, kaas oo la qaaday sanadkii 2007, xilli Yamal uu ahaa ilmo yar oo qiyaastii 5 bilood jir ah, halka Messi uu jiray 20 sano.

Maanta, 18 sano kadib, sawirkaas wuxuu yeeshay macne gaar ah. Messi hadda waa 39 jir, halka Lamine Yamal uu yahay 19 jir. Waxaase layaabka sii kordhinaya in lambarka uu Yamal u xirto xulka Spain uu yahay 19, halka Messi-na xilligii sawirka la qaaday uu Barcelona iyo Argentina u xirnaa isla lambarkaas 19.

Sidoo kale, Final-ka Koobka Adduunka ayaa dhacaya 19-ka bishan, waana maalinta ay suuragal tahay inay iska hor yimaadaan Messi iyo wiilkii uu mar gacmihiisa ku qaaday.

Messi laftiisa ayaa arrintan ka hadlay isagoo yiri:

“Waa waali inaan iska hor imaan doono Lamine Yamal, xilli ay jirto sawir nalaga qaaday isaga oo weli naas nuug ah.”

Hadalkaas wuxuu muujinayaa sida waqtigu u socdo. Cunuggii shalay caanaha nuugayay ayaa maanta isu diyaarinaya inuu la tartamo halyeeygii ugu weynaa kubadda cagta casriga.

Sheekadan waxay dib u xusuusinaysaa sawirkii caanka ahaa ee Messi uu ku qubeynayay Yamal isagoo yar. Xilligaas cidina ma malayn karin in maalin ay labadan qof ku kulmi doonaan garoonka iyagoo isu haysta Final-ka Koobka Adduunka.

Marka aad eegto safarka Lionel Messi, waxay u muuqataa sheeko aan caadi ahayn. Af-gaabnidiisa, degganaanshihiisa, hibadiisa dabiiciga ah iyo mucjisooyinka uu sannado badan ka sameeyay kubadda cagta ayaa mararka qaar u eg wax lagu arko aflaanta. Wuxuu ka soo muuqday sawir isagoo qubeynaya ilmo yar, maanta se ilmihii wuxuu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu hibada badan dunida ee isaga la tartamaya.

Runtii kubadda cagtu mararka qaar waxay qortaa sheekooyin aan xitaa qoraayaasha filimada maskaxdooda ku soo dhici karin.

Views: 3

error: © KubadLive - This content is protected by copyright. Copying or reproducing this article without permission is prohibited.